

WASAARADDA JAALLIYADAHA DIBADDA
Wasaaradda Jaalliyadaha Dibadda waxay kamid tahay wasaarad cusub oo loogu tallagalay inay ka shaqayso horumarinta, tababarida iyo wacyigelinta Jaalliyadaha Dibadda ee ku kala nool duniddan dacaladeeda kuwaasoo badan koodaba ka qaxay dalka markii ay duntay Dowladdii Soomaaliya 1991dii ilaa iyo hadda.
Wasaaradda Jaalliyadaha Dibadda waxay ummadda Soomaaliyeed ugu bishaasharaynaysaa hawl hufan iyo shaqaallo wacan kuwaasoo ku xeel-dheer arrimaha qurba-joogta iyo dowladdaha ay ku nool yihiin.